Guddiga Adeega Bulshada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa dib ula noqday Ajendihii ay horkeyneyn lahaayeen Xildhibaanada Golaha ee Su’aallaha weydiinta Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya.
Guddiga ayaa sheegay in ay u baahdeen Waqti dheeraad ah si ay u sameeyaan baris iyo xog raadin la xiriirta Cabasho guddiga kaga timid Maamulka iskuulka 20-ka December iyo arrimo kale oo la xiriira shaqada Wasaarada.
Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Adeega Bulshada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi ayaa Xildhibaanada iyo guddoonka ka codsatay in dib loogu dhigo ajandaha Maanta.
Waxa ay sidoo kale sheegtay in ay guddigooda u mahad celinaya Wasiirka Waxbarashada sida uu Maanta usoo xaadiray golaha codsigoodana ugu jawaabay.
Xildhibaanada ayaa ku kala aragti duwanaday soo jeedinta guddiga,waxaana ugu dambeyn ay isku raaceyn in la aqbalo codsiga guddiga.
116 Xildhibaan ayaa ogolaaday in ajandaha laga saaro oo dib loo dhigo sida uu ku dhawaaqay codeynta guddoomiyaha Golaha Shacaba Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.
Qodobada lagu eedeynayo Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya C/raxmaan Daahir Cusmaan ee keentay in maanta golaha loogu yeero ayaa waxaa ka mid ah Iskuulka 20-ka December oo ah iskuul ay dowlada gacanta ku heyso oo la sheegay in uu shaqiyaad gaar ah ku wareejinayo maamulkiisa iyo sidoo kale inuu diiday inuu ka jawaabo su’aalo ay hory guddiga adeega bulshada u weydiiyeen oo la xiriirta shaqada Wasaarada iyo maamulka deeqaha Waxbarashada.
Dhanka kale Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa galaya fasax gaaraya 25 Maalmood.
Guddoonka Golaha Shacabka iyo guddiyada Joogtada aya isla gartay in mudada fasax lagu maqan yahay in ay sii shaqeeyaan oo ay diyaariyaan sida ay u kala muhiimsan yihiin ajendooyinka golaha horyaalla.
Guddoomiyaha Golaha Shacaba Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa Xildhibaanada ugu mahad celiyay sida ay mar walbo diyaarka ugu yihiin gudashada waajibaadka saaran.