Kulankii u dhaxeeyay wasiir Qoorqoor iyo Odayaasha Cadaado oo soo gabagabooyay
Wasiir dowlaha howlaha guud iyo dib u dhiska Somaliya Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) oo kulan maanta la qaatay odayaasha dhaqanka Cadaado ayaa sheegay in tabashada reer Cadaado kala fariistaan Ra’iisulwasaare Khayre si loo xaliyo tabashadooda
Wasiir Qoorqoor ayaa sheegay in reer Cadaado xaq u leeyihiin soo bandhigista tabashadooda waxuuna ka codsaday Odayaasha in Ra’iisulwasaare Khayre la kulman islamarkaana soo jeediyan waxa ay doonayaan
Odayaasha dhaqanka ayaa sheegay in Khayre uga baxay balan balse haatan diyaar u yihiin in markale ay la fariistaan si xal loo gaaro
Odayaasha ayaa sheegay in R/wasaaraha horey ugu gudbiyeen qodobada ay doonayaan in la fuliyo
R/wasaare Khayre ayaa la filayaa in mar sadexaad kusoo laabto Cadaado si loo xaliyo tabashada reer Cadaado

