Sunday, March 23, 2025
HomeBarnaamijyadaKulamo caawa kasocda Dhuusamareeb

Kulamo caawa kasocda Dhuusamareeb

Kulamo caawa kasocda Dhuusamareeb

Wafdi uu hogaaminayo wasiirka arimaha gudaha Somaliya ayaa kulamo la leh madaxda Ahlu Sunna ee ku sugan magaalada Dhuusamareeb

Wasiir Sabriye ayaa madaxda Ahlu Sunna u wada balanqaadyo sidoo kale doonaya inuu ka saxiixo heshiis ay dowladu rabto kaasi oo ah in Ahlu Sunna ogolaadan doorashada Galmudug

Warar hoose ayaa sheegaya in qodobada dowladu wadato ay kamid yihiin in shir dib u heshiisiin lagu qabto Dhuusamareeb shirkaas kadibna Cadaado lagu qabto doorashada Galmudug

Qodobada dowladu u ogoshahay Ahlu Sunna ayaa waxaa kamid ah siinta lacag lagu magacaabay magdhow xil wasiir heer faderaal ah tiro xildhibaano gooni u ah oo Galmudug ah iyo in ciidankooda u howlgalaan sida ciidanka Danab

Heshiiskan oo wali aysan saxiixin Ahlu Sunna ayaa waxaa jira didaalo wasiir Sabriye ugu jiro in Ahlu Sunno laga saxiixo heshiiska

Dhanka kale Madaxweyne Xaaf oo garabkiisa ay ka baxeen Ahlu Sunna ayaa ku sugan magaalada Dhuusamareeb mana jira cid caawa la kulantay Xaaf

Xaaf ayaa loo maleynayaa in beri u ambabaxo magaalada Gaalkacyo halkaasna ugu dhawaaqo go,aankiisa

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe