Ugu yaraan 100 ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen Dalka Hindiya kaddib markii dalkaas uu kulayl daran uu ka dhacay, waxaana goobaha caafimaadka la geeyay qaar kale oo la xannuunsaday kulaylkaas awgii.
Mas’uuliyiin katirsan waaxda Caafimaadka Hindiya ayaa dadka ugu baaqay in ay joojiyaan dhaqdhaqaaqa meelaha aanay lahayn gabbaadka ama hargalka si ay uga fogaadaan kulaylka badan ee jira.
Heer kulka Hindiya 60 Celsius maalintii waana labo laab heerka waddamo badan oo kamid ah Dalalka lagu tiro in uu ka jiro Kulaylka badan sida ay sheegeen mas’uuliyiinta waaxda ku shaqada leh la socodka isbaddelka Cimillada.
Dhimashada ugu badan waxaa laga diiwaangeliyay Gobollada Kala ah Uttar Pradesh & Bihar, dadka deegaanka ayaa loogu baaqay in aanay kasoo bixin Guryahadooda oo ay isticmaalaan Aaladaha Dadka qaboojiya.
Dhammaan Shaqaalaha fasaxa qaadan jiray Goobaha Caafimaadka Hindiya ayaa la baajiyay si loogu gurmado Dadka u dhimanaya Kulaylka Daran ee dalkaas ka jira sida lagu yiri war kasoo baxay mas’uuliyiinta waaxdaas caafimaadka u xilsaaran.
Isbaddelka Cimillada ayaa loo arkaa sabab ka dhalatay Warshadaha badan ee Qiiqa (Qaaca) badan Hawada ku sii deynaya, madaxda Dalka Hindiya oo dhowr jeer ka qaybgalay ayaa qallinka ku duugay in ay ka shaqeynayaan dhimista Warshadaas badan.

