Xaalada Magaalada baladweyne ee xarunta gobolka hiiraan ayaa sakay dagan waxan dib u furmay isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha kadib markii shalay Ciidamo gadoodsan aay xirteen qeybo badan hacabka ku dhaqan magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo la hadlay warbaahinta ayaa si adag uga hadlay xiisadda kasoo cusboonaatay magaaladaasi ee ka dhalatay xilka qaadista gudoomiye Cali Jaytse Cismaan.
Annaga Hiiraan State ayaan soo dhaweyneynaa, waan ku taageersanahay Cali Jayte fikirkaas wixii aqli leh ayaa qabo, laakiin annaga waxaan soo dhaweyneynaa go’aanka uu qaatay Cali Jayte isagaa ku mowqif nahay” ayuu yiri mid kamid ah deegaanka.
Sidoo kale wiil kale oo dhalinyaro ah oo ka hadlay qaddiyadan ayaa shaaca ka qaaday in markii horeba aysan HirShabelle wax u qaban, haddana ay ka tashanayaan aayahooda.
“Annaga HirShabelle waxba nooma heyn dadka meelaha ka qayl qaylinayo maba aqoonsanin iyo xittaa inay jirto HirShabelle” ayuu yiri wiil kale oo dhalinyaro a
Dhinaca kale xaaladda guud ee magaalada Beledweyne ayaa maanta dagan, kadib banaabaxyo waa weyn oo shalay ku dhacay gudaha magaaladaasi.
Waxaa sidoo kale si caadi ah ku soo laabtay dhaq-dhaqaaqa ganacsiga, gaadiidka iyo waxbarashada ee magaalada Beledweyne.
Hoos ka dhageyso:

