Monday, August 17, 2026
HomeWararGudahaPuntland oo ka mamnuucday shacabkeeda ka qaybgalka soo dhoweynta Xasan Sheekh...

Puntland oo ka mamnuucday shacabkeeda ka qaybgalka soo dhoweynta Xasan Sheekh ee Gaalkacyo

Puntland ayaa amartay in dadka reer Puntland aysan ka qayb qaadan soo dhoweynta ama la kulanka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo la filayo inuu yimaado magaalada Gaalkacyo, halkaas oo uu ku sugnaan doono dhinaca koonfureed ee magaalada ee ay maamusho Galmudug.

Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Mudug ee Puntland, Cabdiqaadir Warsame Kooshin, ayaa sheegay in Puntland ay sare u qaaday heeganka amniga, isagoo sheegay in dadka reer Puntland laga mamnuucay inay u gudbaan dhinaca koonfureed ee Gaalkacyo illaa amar dambe.

“Qof reer Mudug ah oo reer Puntland ah, oo aan la ogeyn waxa uu ku socdo, ma aadi karo meelahaas illaa amar dambe,” ayuu yiri Kooshin.

Wuxuu sheegay in tallaabadan ay qayb ka tahay adkeynta amniga xilli Xasan Sheekh uu booqasho ku tagayo Gaalkacyo, isagoo xusay walaaca Puntland ka qabto siyaasadaha iyo tallaabooyinka dowladda federaalka ee la xiriira Puntland.

Kooshin ayaa sidoo kale sheegay in Puntland ay ka feejigan tahay kooxo uu ku tilmaamay kuwo “dhib iyo qalalaase” wada, kuwaas oo uu sheegay inay la socdaan booqashada , isaga oo intaa ku daray in ciidamada ammaanka la faray inay si gaar ah u ilaaliyaan amniga.

Dhanka kale, wuxuu sheegay in Puntland iyo Galmudug ay ka wada shaqeynayaan sidii loo ilaalin lahaa xasilloonida Gaalkacyo, isla markaana labada dhinac ay iska kaashanayaan soo celinta dadka ama hantida dhinacba dhinaca kale uga gudubta.

“Dadka reer Gaalkacyo wax dhibaato ah ma jiraan. Gaalkacyo waa nabad,” ayuu yiri Kooshin, isagoo sheegay in labada dhinac ay doonayaan in booqashada aysan sababin wax khalkhal ah.

Xasan Sheekh ayaa la filayaa inuu muddo laba maalmood ah ku sugnaado koonfurta Gaalkacyo, iyadoo maamulka Puntland uu sheegay in madaxweynaha iyo wafdigiisu aysan u gudbi doonin dhinaca Puntland.

Dhinaca kalena, waxaa magaalada Gaalkacyo ku sugan madaxweynaha Puntland Siciid Deni. Khilaafka xooggan ee uu dhaxeeya Puntland iyo Dowladda Federaalka lama hubo in suurtagalnimada ay ku kulmi karaan Xasan Sheikh iyo Deni.

 

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe