Tuesday, July 21, 2026
HomeWararDibaddaKooxaha gurmadka Liibiya oo raadinaya Maydadka Dadka daadadku la tageen.

Kooxaha gurmadka Liibiya oo raadinaya Maydadka Dadka daadadku la tageen.

Kooxaha gurmadka ee Liibiya ayaa la tacaalaya sidii ay u soo saari lahaayeen meydadka iyo dhibbanayaasha kale ee ay la tageen daadadka xawliga u soconaya ee uu keenay Sunami u eekaha ah halkaas ka dhacay.

Ugu yaraan 2,300 ayaa ku dhintay, sida laga soo xigtay maamulka ambalaasta ee Derna, oo ah magaalada ugu daran ee ay saameysay.

Labo biyo-xidheen iyo afar buundo ayaa ku dumay magaalada Derna, kuwaas oo qariyay inta badan magaalada markii duufaanta Daniel ay ku dhufatay Axaddii.

Ilaa 10,000 oo qof ayaa lagu soo warramayaa in la la’yahay, sida ay sheegtay Bisha Cas, waxaana la filayaa in dhimashadu ay intaas ka sii badato.

Qaar ka mid ah mucaawinooyinka ayaa billaabay inay yimaadaan, waxaana ka mid ah kuwa Masar, balse waxaa dadaallada samata bixinta caqabad ku noqday xaaladda siyaasadeed ee Liibiya, iyadoo dalkaas uu u kala jabay laba dowladood oo iska soo horjeeda.

Dalalka Mareykanka, Jarmalka, Iiraan, Talyaaniga, Qatar iyo Turkiga ayaa ka mid ah dalalka sheegay inay soo direen ama diyaar u yihiin inay soo diraan gargaar.

Muuqaal fiidiyow ah oo la duubay iyada oo xaaladdu mugdi tahay kadib Axaddii ayaa muujinaya webiyo ah oo magaalada dhex maraya oo baabuurtu si aan waxba tarayn u garaacayaan xilligan.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe