Tuesday, July 21, 2026
HomeWararDibaddaGalmudug oo sheegtay in as afduubteen dadkii ku sugnaa dhulka laga xoreeyay

Galmudug oo sheegtay in as afduubteen dadkii ku sugnaa dhulka laga xoreeyay

Maamulka goboleedka Galmudug ayaa sheegay in kooxda As ay afduubteen dadkii shacabka ahaa ee ku noolaa degaanadii dhawaan laga xoreeyay ee gobolka Galgaduud.

Wasiiru dowlaha wasaaradda caafimaadka Galmudug, Daahir Faarax  fiidow oo warbaahinta dowladda la hadlay ayaa nasiib darro ku tilmaamay in muddo 7 cishe ka badan ay haawanayaan degaanadii laga saaray As.

Wasiiru dowluhu wuxuu sheegay, As  inay horey usii kaxaysteen dadkii shacabka ahaa si ay gaashaan uga dhigtaan weerarada duqeymaha.

Wuxuu tusaale usoo qaatay degaanka Ceel la helay oo uu ku sugan yahay wasiirka gaashaandhigga iyo madax kale. Wuxuu sheegay inay cidlo tahay oo ay dadkii joogay horey usii kaxaysteen As.

Wuxuu ugu baaqay dadku inay guryahooda kusoo laabtaan oo ay kasoo fogaadaan goobaha As ay ku sugan yihiin, si aanay waxyeelo ugasoo gaarin weerarada lagu bartilmaameedsanayo.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe