Wednesday, July 22, 2026
HomeWararDibaddaBFS oo ogolaadey in gunnada Xildhibaannada looga jaro 200 oo dollar Xildhabaannad...

BFS oo ogolaadey in gunnada Xildhibaannada looga jaro 200 oo dollar Xildhabaannad Marwo oo u sharaxan Madaxweynaha Baarlamaanka Adduunka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyay Kalfadhiga Seddaxaad kulankiisa 25-aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka maanta ayaa ajandihiisu ahaa ansixiyey Hindise Sharciyeedka Qaxootiga Qaranka iyo taageerada Musharraxnimadda Xildhibaan Marwa oo u tartameeysay Madaxweynaha Midowga Baarlamaanka Aduunka (Inter-Parliamenty Union).

Xildhibaan Marwa oo u sharaxan xilka Baarlamaanka Adduunka ayaa Xildhibaannada Golaha Shacabka hortooda ka jeedisay warbixinteeda musharaxnimo, taas oo Soomaaliya uga faaideysan karto arrimaha siyaasadda, horumarinta adeegyada dowladda, iyo go’aano masiiri u ah dalka.

Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ogolaadey in gunnada xildhibaannada looga jaro 200 oo dollar xildhabaannad marwo oo u sharaxan madaxweynaha Baarlamaanka Aduunka, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe