Home Barnaamijyo Khayre oo wajigabax kala kulmay Ahlu Sunna

Khayre oo wajigabax kala kulmay Ahlu Sunna

212

Khayre oo wajigabax kala kulmay Ahlu Sunna

R/wasaare Khayre oo shalay tagay Dhuusamareeb ayaa isku dayay inuu kulan la yeesho hogaanka Ahlu Sunna balse wadaadka hogaaminaya Ahlu Sunna Macalin Maxamuud ayaa diiday inuu horfadhiisto Khayre hase yeeshee Khayre ayay u suurogashay inay is arkan Sh Shaakir

Khayre ayaa doodanaya in madaxda Ahlu Sunna kala hadlo qaabka ay u soo xulayaan 20 xildhibaan ee Galmudug looga qoondeeyay

Macalin Maxamud ayaa dhankiisa diidan in wax gorgortan ah uu ka galo soo xulusta 20 xildhibaan kuwaas oo ay soo gudbiyeen liiskooda

Sh Shaakir ayaa R/wasaare Khayre u sheegay in dowlada ay joojiso faragelinta islamarkaana la aqbalo liiska 20 xildhibaan ee ay soo gudbiyeen

Iskudayga Khayre ayaa u muuqda mid la hor istaagay maadama Ahlu Sunna ay diiday in wadahadal ka galaan 20 xildhibaan lamana oga tilaabta xigi doonta