Ahlu Sunna oo bilowday qorshe meesha looga saarayo musharaxa madaxweynaha Galmudug ee dowladu gadaal ka riixeyso
Madaxda Ahlu Sunna oo ku guuleystay in dowladu faraha ka qaado 20-ka xildhibaan ee Ahlu Sunna soo xushay ayaa bilaabay didaal ay ku doonayaan in meesha laga saaro musharaxa dowladu gadaal ka fadhiso
Warar hoose ayaa sheegaya in hogaamiyaasha Ahlu Sunna ay go,aan sadeen in madaxweynaha Galmudug uusan kusoo bixin shaqsi ay wadato dowlada dhexe
Madaxda Ahlu Sunna ayaa sheegay in dowladu meesha ka saartay awoodii Ahlu Sunna islamarkaana ay dooneyso inay ciribtirto si looga hortago ciribtirka Ahlu Sunna ay muhiim tahay inay taageeraan musharax aysan wadan dowlada
Macalin Maxamuud oo ah hogaamiyaha ruuxiga ah Ahlu Sunna ayaa madaxda kale Ahlu Sunna iyo xildhibaanada ay soo xuleen u sheegay in hadii doorashada Galmudug uu kusoo baxo shaqsi ay wadato dowlada dhexe ay tahay burburka iyo ciribtirka Ahlu Sunna
Dowlada ayaa horey u wiiqday awoodii Ahlu Sunna ee gobolada dhexe Ahlu Sunna ayaa xiligan didaal ugu jirta sidii markale u soo ceshan laheyd awoodii ay ku laheyd Galmudug balse dowlada ayaa dooneysa in gabi ahaan meesha laga saaro saameynta Ahlu Sunna