Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay gacanta ku dhigtay Francis Macharia Karishu,kaas oo ay dowladda Kenya ku eedeeysay in uu AL-shabaab kala shaqeynayay fududeynta howlgallada ay ka sameeyaan gudaha Kenya.
Ninkan ayaa shalay gelinkii dambe laga qabtay degaanka Koyaale ee Dalka Kenya waxaana lagu wareejiyay Ciidanka la dagaallanka Argagixisada ee Kenya.
Hay’adaha sirdoonka Kenya ayaa ninkan madaxiisa horay u dulsaaray lacag dhan 1Milyan oo SHilinka Kenya ah,waxaana ay Ciidamada sheegeen in hadda uu ku jiro gacanta Ciidanka la dagaallanka Argagixisada.
Ciidanka Kenya ayaa sidoo kale soo bandhigay Nin kale oo ay raadinayaan kaas oo ay sheegeen in uu tababar heerkiisu sarreeyo la qaatay Al-shabaab.
Labo Todobaad ka hor Afhayeenka BooliskaKenya Charles Owino,ayaa sheegay in Anthony Munyasya oo ku magac dheer Cabdalla uu tababar sare la soo qaatay Al-shabaab kuna laabtay gudaha Kenya isaga oo qorsheynaya weerarro ka dhan ah dowladda Kenya.
Afhayeenku waxaa uu sheegay in Cabdalla uu xiriir dhow la leeyahay Cabdi Majiid Xasan oo Bishii hore lagu qabtay Hotel ku yaalla Nairobi halkaas oo hub farabadan iyo Sunta qaraxyada laga helay.