Saturday, March 15, 2025
HomeWararKenya:-In Ka Badan 17-ruux Oo Ku Dhintay Biyo Xiireeno Ku Dumay

Kenya:-In Ka Badan 17-ruux Oo Ku Dhintay Biyo Xiireeno Ku Dumay

Ugu yaraan 20 Qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen iyada oo kumanaan kalena ay ku barakaceen  kaddib markii saaka uu dumay Biyo xireen ku yaalla Waqooyi Galbeed dalka Kenya.

Maamulka Gobolka Nakuru ayaa sheegay in ay ka wal walsanyihiin in dhimashada intaas ka badan karto iyada oo ay wali socota bad baadada dadka uu ku dumay Biya xireenka.

Saraakiisha Booliska Kenya ee gurmadka u tagay goobta ayaa sheegay in dadka dhintay ee la helay ay ka badanyihiin kuwa la la’yahay.

Degaanka waxaa ku barakacay saaka kalaiya dad ka badan 3,000 oo Qoys,waxaana hay’adda Bisha cas ee Kenya ay waddaa samata bixinta dadka biya ku fataheen.

Hanti badan ayey sheegeen in ay ku bur bureen Fatahaadda ka dhalatay biya xireenka Dumay iyada oo howlgalka gurmadka deg degga ahna uu wali socdo.

Sawirro laga qaaday goobta ayaa muujinaya Biyaha ka fakaday biya xireenka oo jiiray guryo badan islamarkaana bur buriyay.

Dumidda Biya xireenkan ayey saraakiisha Gobolka sheegeen in ay ka dhalatay roob xoog leh oo ka da’aya gobolka,waxaana ay walaac ka muujiyeen cabsida laga qabo kororka khasaaraha.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe