Iyadoo Xalay Xubno Ka Tirsan Kooxda Al-shabaab Ay Gudaha U Galeen Degmada Baxdo Ee Gobolka Gal-gaduud ayaa Arrinkaasi Waxaa Ka Hadlay Maamulka Degmadaasi Baxdo.

Faarax Fiidow Cali Guddoomiyaha Degmada Baxdo Ee Gobolka Gal-gaduud Oo La Hadlay Idaacadda Codka Gobollada Dhexe EE Cadaado Ayaa Waxa Uu Sheegay In Raggaasi Ka Tirsanaa Al-shabaab Ay Muddo Saacado Ah Ku Sugnaayeen Gudaha Magaalada Baxdo.

Guddoomiyaha waxa uu Ka Gaabsaday In Uu Ku Dheeraado Ka Hadalka Xoogga Al-shabaab Isagoo Sheegay In Ay Degan Yihiin Magaalada Baxdo.

Waxa uu Sheegay In Aysan Dhibaato Kale Wadin Balse Ay Ku War-galiyeen Oo Kaliya In Ay Soo Booqdeen InkastooGuddoomiyaha Uu Carrabka Ku Dhuftay In Markii Horeba Al-shabaab Ay Deganaayeen Baxdo.

Faarax Fiidow Cali Guddoomiyaha Degmada Baxdo ayaa waxa Uu Hoosta Ka Xariiqay In Haatan Raggi Ka Tirsanaa Al-shabaab Ay Ka Baxeen Baxdo isagoo Sheegay In Uusan Garaneynin Halka Ay U Laabteen Balse Guddoomiyaha ayaa waxa uu Xusay In Ay Ku War-geliyeen In Dib Ugu Soo Laabanayaan Degmada.

Saraakiisha Ammaanka Maamulka Gal-Mudug Ayaa Dhawaan Waxa Ay Sheegeen In Ay Qaadi Doonaan Weeraro Iyo Hawl-gallo Ballaaran Oo Ka Dhan Ah Xarakada Al-shabaab Kuwaas Oo Doonayaan In Al-shabaab Uga Saaraan Deeganada Ay Kaga Sugan Yihiin Gal-mudug Sida Ay Sheegeen Saraakiisha Maamulka Gal-mudug.

Halkan Ka Dhageyso Codka Guddoomiyaha Baxdo:-

By codgal

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *