Home Warar Xildhibaan Sheegay In Madaxda Dawladda Uu Hanjabaad Kala Kulmay

Xildhibaan Sheegay In Madaxda Dawladda Uu Hanjabaad Kala Kulmay

117

Xildhibaan Cabdulaahi Maxamed Nuur oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa warbaahinta u sheegay in Madaxda dowladda Soomaaliya in uu Hanjabaad uu kala kulmay.

Waxaa uu sheegay in 48 saac ee lasoo dhaafay dhanka Xukuumadda uu kala kulmay Handadaad ballaaran oo loogu sheegayay in uu ka baxo Arrimaha Maaliyadda oo uu maalmihii lasoo dhaafay ku howlanaa.

Xildhibaanka ayaa sheegay in ay jiraan dad kale oo Xukuumnadda Soomaaliya ay u hanjabtay, qaarna ay xirtay taasina ay tahay wax laga xumaado.

Hay’addaha kala duwan ee dowladda ee ay khuseyso ayuu sheegay xildhibaanka in uu u gudbin doono Cabashadiisa, si ay wax kaga qabtaan.

Hadalka Xildhibaanka ayaa yimid ka dib  markii dhawaan uu sheegay  xoghayaha ururka Suxufiyiinta Qaranka Soomaaliyeed in ay jiraan Suxufiyiin dowladda handaday iyo kuwo ay xabsiga dhigtay, taasina ay tahay wax laga xumaado.