Home Warar Taliyaha Mareykanka Ee Africa Oo Muqdisho Soo Gaaray

Taliyaha Mareykanka Ee Africa Oo Muqdisho Soo Gaaray

182

Taliyaha ugu sarreeya Ciidamada Mareykanka ee Afrika Jeneraal Gen. Thomas D. Waldhauser, ayaa soo gaaray Magaalada Muqdisho.

Taliyaha waxa Garoonka Aadan Cadde ku qaabilay danjiraha cusub ee Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya.

Markii uu soo gaaray Magaalada Muqdisho waxaa uu durbadiiba la kulmay Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Booqashada Gen. Thomas D. Waldhauser, ayuu ku sheegay in ay la xiriirto sidii loo taageeri lahaa dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in Dowladda Soomaaliya laga taageerayo wax uu ugu magaca daray D3s oo ah Difaaca, Diblomaasiyadda iyo Horumarka.