Weerar dhinaca Cirka ah ayaa xalay ka dhacay degaanka Goodirley oo 10KM u jirta Degmada Xarradheere ee Gobolka Mudug.
Duqeyntan oo ilaa hadda khasaaraha ka dhashay aan la shaacin ayaa waxaa ay dhacday xalay xilligii dhexe,waxaana dadka degaanka ay sheegayaan in duqeyntaasi ay maqleen Xalay Abaare 08:00 Habeenimo Inkastoo Aysan Shaacin Rasmiyan Halka Ay Duqeyntu Ka Dhacday.
Mareykanka ayaa dhowrkii todobaad ee la soo dhaafay duqeyn ka geystay Gobolka Mudug iyo qeybo ka mid ah Koofurta Dalka.
Duqeyn uu Mareykanka sheegtay mas’uuliyaddeeda todobaadkii la soo dhaafay waxaa uu Mareykanka ku sheegay in uu ku dilay 50 ka mid ah Ciidamada AL-shabaab.
Waa weerarkii 34aad ee uu sanadkan 2018 Mareykanka ka geysto Soomaaliya,waxaa uu ka badan yahay weerarradii sanadkii ka horreeyay ee 2017kii uu Mareykanka ka geystay Soomaaliya kuwaas oo gaarayay 33 Weerar.