Thursday, April 24, 2025
HomeWararFaahfaahin khasaare ka dhashay iska horimaad ka dhacay Mudug

Faahfaahin khasaare ka dhashay iska horimaad ka dhacay Mudug

Faahfaahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal beeleed ka dhacay degaano hoos yimaada degmada Xarardheere ee gobolka Mudug.

Iska hor imaad dhex marey maleeshiyaad hubeysan ayaa sababey Dhimashada labo qof iyo dhaawaca labo kale tuulada lagu magacaabo ceel-caday oo ka tirsan Deegaanka Warshubo ee Gobolka Mudug.

Gacan ka hadalkan ayaa salka kuhaya muran ka dhex taagnaa mudooyinkan beelo deegaanka wada dagan, dhinacyadan dagaalamey ayaa wada hub uruursi balaaran iyadoo ay jirto cabsi laga qabo colaadan.

Qaar ka mid ah dadka degaanka ayaa xaqiijiyay in ay waddaan dadaallo ku aadan sidii looga hortagi lahaa dagaal beeleedka uu kusii balaarto degaanka.

Deegaankan oo hoostaga Degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug ayaa ka mid ah degaanada Al-shabaab ay mudada dheer joogeen, walow aysan ku laheyn saldhig rasmi ah.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe