Thursday, April 24, 2025
HomeWararJarmalka Iyo UK Oo Kenya Ka Taageeraya Dagaalka Al-shabaab

Jarmalka Iyo UK Oo Kenya Ka Taageeraya Dagaalka Al-shabaab

Dowladdaha Germany iyo Ingiriiska ayaa sheegay in ay lacago farabadan ku bixinayaan dagalka ka dhanka ah AL-shabaab islamarkaana ay Ciidamada Kenya caawinayaan.

Danjiraha Germany ee Kenya Annett Gunther, ayaa sheegtay in dalkeeda uu 200 Milyan oo Lacagta kenya ah ku taageerayo Xarun lagu barto ka hortagga Qaraxyada oo laga hirgelinayo Soomaaliya.

Waxaa ay sheegtay in Ciidamada Difaaca Kenya ee ku sugan Soomaaliya iyo kuwa Soomaaliyaba la barayo sida loo fur furo qaraxyada lagu aaso jidadka oo hadda ah tabaha ugu badan ee ay AL-shabaab u adeegsadaan dagaalka ka dhanka Ciidamada AMISOM.

Waxaa kale oo madasha ka hadashay Nic Hailey, oo ah Madax Guddiga sare ee UK, taas oo iyana sheegtay in dalkeeda uu qeyb ka yahay howlgalka ka dhanka ah AL-shabaab islamarkaana ay dalal ay ka mid tahay kenya ka caawineyso dagaalka lagula jiro waxa loogu yeero Argagixisada.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe