Saraakiisha ku sugan dalka Nigeria waxay sheegayaan in ururka Booko Xaraam ay afduubteen 15 carruur ah kaddib markii ay weerar ku qaadeen tuulooyin dhowr ah oo ku yaalla gobolka Diffa.
Duqa magaalada Toumour, Boukar Mani Orthe ayaa sheegay in kooxda Booko Xaraam ay weerar ku qaadeen saddex tuulo xilli habeen ah.
Wuxuu sheegay in 13 gabdhood iyo labo wiil ay afduubteen kooxda ka hor inta aysan u dhaqaaqin deegannada xadka.
Toddobaadyadii ugu dambeeyay Booko Xaraam waxay weerar ku qaadeen magaalada Toumour halkaas oo ay bililiqeysteen goobo ganacsi.
Khamiistii 8 qof oo ka shaqeynaysay shirkad Faransiiska laga leeyahay ayay kooxda ku dileen halkaasi.
Sannadkii lasoo dhaafay ayay ahayd markii 40 haween ah lagu qafaashay gobolka Diffa.
Tiro kamid ah ciidammada Nigeria ayaa lagu soo warramaya in maalmihii ugu dambeeyay la dilay halka dabayaaqada toddobaadkii lasoo dhaafay oo kaliya ah la afduubtay 50 qof xilli ay xaabo ka guranayeen meel u dhaw xadka Nigeria uu la wadaago Cameroon.
Ciidammada Nigeria waxay markii ugu horreysay qirteen in saldhig ciidammada ay ku leeyihiin waqooy bari dalka Nigeria weerar lagu qaaday Axaddii lasoo dhaafay.
Waxaa lagu soo warramaya in 44 ciidan ah la dilay kaddib markii koox taabacsan ururka isku magacaabay dowladda islaamka ay weerar ku qaadeen magaalada Metele oo ku taalla gobolka Borno halkaas oo ciidammada fariisin u aheyd.
Bayaan kasoo baxay militariga Nigeria laguma sheegin tirada ciidammada ee weerarka ku dhintay, waxaana dhif iyo naadir ah in ciidammada ay ka hadlaan weerar noocan ah.