Thursday, July 30, 2026
HomeWararDibaddaBilad geesinimo oo la siiyay Axmed Fiiqane & Max’ed Cumar oo qarax...

Bilad geesinimo oo la siiyay Axmed Fiiqane & Max’ed Cumar oo qarax isku dhigay

WAR- SAXAAFADEED

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye wuxuu heerka ugu sarreysa ee billad geesinimo guddoonsiiyey Axmed Fiiqane Shiikh Maxamuud iyo Maxamed Cumar Xirsi  oo maanta naftooda u huray badbaadinta madaxda Galmudug, xildhibaannada federaalka iyo saraakiisha ku sugnaa deegaanka Laasgacaneey.

Dawlada Galmudug waxay si buuxda u kafaala qaadaysaa qoyska iyo ubbadka naftii hurayaasha, waxayna waalidka dhalay uga mahad naqeysaa geesinnimada, nafhuridda iyo waddan jacaylka ay wiilashooda ku barbaariyeen.

Falka ay geesiyaashu ku dhaqaaqeen wuxuu cashar u yahay cadawga khawaarijta ee ku soo duulay dalka, diinta iyo dadka Soomaaliyeed.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray Qoyska Axmed Fiiqane Shiikh Maxamuud iyo Maxamed Cumar Xirsi  oo uu sheegay iney naftooda u hureen badbaadinta madaxda Galmudug, Xildhibaannada federaalka iyo saraakiisha ku sugnaa deegaanka Laasgacaneey.

“Axmed Fiiqane waxuu naftiisa u huray si uu u fashiliyo falka argagaxiso, wuxuuna badbaadiyey boqolaal kale oo dhamaan laheyd oo ay ku jiraan madax iyo masuuliyiin sare. Falka ay geesiyaashu ku dhaqaaqeen wuxuu cashar u yahay cadawga khawaarijta ee ku soo duulay dalka, diinta iyo dadka Soomaaliyeed” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka.

– Dhammaad-

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe