Thursday, July 30, 2026
HomeWararHoggaamiyaha Sare ee Iran oo cafiyey dadka ka badan 1,500

Hoggaamiyaha Sare ee Iran oo cafiyey dadka ka badan 1,500

Hogaamiyaha Sare ee dalka Iran Ayatollah Ali Khamenei ayaa cafinaya ama sanadaha xabsiga ka yareynaya maxaabiis dhan 1,542. Tallaabadan ayuu hogaamiyuhu u sameynayaa xuska gabagabada bisha barakeysan ee Ramadan, sida lagu qoray website-kiisa.

Ayatollah Ali Khamenei ayaa “ogolaaday inuu cafiyo ama sanadaha xukunka kasoo gaabiyo 1,542 qof oo la xukumay”, munaasabba Ciidul Fitiga, taas oo gababo u ah bisha barakaysan, sida fariinta lagu yiri.

Hogmaaiyaha Sare ayaa si joogta ah u bixiya cafis wadareed, xilliyada fasaxyada diinta, isaga oo ay ka wada shaqeeyaan madaxa caddaaladda ee dalka.

Dalka Iran, maanta oo Isniinta ah ayaa looga dabbaal-degayaa Maalinta Koowaad ee Ciidul Fidriga.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe