Thursday, July 30, 2026
HomeWararGudahaSomaliland oo ku hawlan soo dhaweynta xildhibaanadii ka soo goostay Maamulka Waqooyi-bari

Somaliland oo ku hawlan soo dhaweynta xildhibaanadii ka soo goostay Maamulka Waqooyi-bari

Afar xildhibaan oo horay uga tirsanaa maamul goboleedka Waqooyi-bari oo ballan-qaaday inay taageeri doonaan Somaliland
Dhinaca kale Somaliland ayaa waxaa ay diyaarinayaan inay xildhibaanada ku soo dhaweeyaan Hargeysa maalmaha soo socda.

Afartii xildhibaan ee horay uga tirsanaa baarlamaanka maamul goboleedka Waqooyi-bari ayaa si rasmi ah u shaaciyay in ay u hogaansamayaan Somaliland, dhowr maalmood kaddib markii ay ka noqdeen kuraastoodii baarlamaanka, taasoo muujinaysa dib-u-dhac siyaasadeed oo ugu dambeeyay oo ku yimid maamulka cusub ee Waqooyi-bari.

War-saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen taariikhdu markay ahayd 29-kii Luulyo, xildhibaanada 1.Makhtal Sa’id Maxamed
2.Axmed Caabbi Xasan 3. Sidiq Jama Muuse 4. Axmed Cali Maxamed ayaa sheegay inay go’aansadeen inay ku biiraan Somaliland kaddib markii ay si taxadar leh u qiimeeyeen xaaladda siyaasadeed, mustaqbalka gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn, iyo danta bulshada ay u metelayaan.

“Hadda ka dib waxaan bulshada inteeda kale u sheegaynaynaa in aan ka mid noqonnay Jamhuuriyadda Somaliland,” ayay xildhibaanadu sheegeen.

Afartaan xildhibaan ayaa ballan-qaaday inay taageeri doonaan maamulka Somaliland, iyaga oo leh waxaanrumaysanaya in “midnimo, wadajirka, maamul wanaag iyo xeerka sharciga” ay bixiyaan waddada ugu fiican ee horumar waara. Waxay intaa ku dareen in go’aankooda aysan kaliya ku salaysnayn siyaasadda, balse sidoo kale uu ka dhashay rabitaan ay ku xoojinayaan hay’adaha dadweynaha, horumariyaan adeegyada bulshada iyo ilaalinta xuquuqda bulshada deegaanka.

Shaacinta ayaa timid maalmo ka dib markii baarlamaanka Waqooyi-Bari uu cod ku qaaday in laga qaado afarta xildhibaan xuquuqdoodii baarlamaaniga kadib markii ay iska casileen. Hindisaha ayaa ansax noqday iyadoo taageero ka heleen 57 xildhibaan, taas oo ka badan saddex-meelood laba meelood oo loo baahnaa sida ku cad Qodobka 9 ee xeerarka gudaha ee baarlamaanka.

Xildhibaanada ayaa ka mid ahaa shan xildhibaan oo la sheegay inay ka tageen baarlamaanka Waqooyi-Bari. Halka afartu hadda si cad isku waafaqeen Somaliland, xildhibaankii shanaad ee hore ayaan weli shaacin xubinimada siyaasadeed ee uu leeyahay.

Xildhibaanadii hore ee Waqooyi-bari Fahiima Yuusuf Cabdillaahi Quuje, ayaa soo dhaweeysay tallaabadan, iyadoo ku tilmaantay go’aanka ay afarta xildhibaan gaareen mid geesinimo leh.

Xildhibaannadan ayaa maalinta berri ah lagu wadaa in si rasmi ah loogu soo dhaweeyo magaalada Hargeysa, iyagoo haatan ku sugan magaalada Gabiley.

Madaxweynaha Waqooyi-bari Cabdiqaadir Aw Cali Firdhiye ayaa cambaareeyay go’aanka xildhibaanada, isagoo sheegay inaanay ka turjumayn rabitaanka dadka ku nool deegaanada ay maamusho SSC-Khaatumo.

Baxsashada xildhibaanadan ayaa muujinaysa tartanka siyaasadeed ee sii socda ee u dhexeeya Somaliland iyo Waqooyi-bari ee ku saabsan mustaqbalka deegaanada muranka ka taagan ee Sool, Sanaag iyo Cayn. Halka Somaliland ay u aragto deegaanadan qayb ka mid ah jamhuuriyaddeeda Somaliland.

Sidoo kale Waqooyi-bari ayaa isku haysta in deegaanadani ka tirsan yihiin nidaamka federaalka Soomaaliya islamarkaana raadinayay aqoonsi ahaan xubin ka tirsan federaalka.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe