Friday, July 31, 2026
HomeWararRW Rooble” Waxaan leeyahay han Siyaasadeed balse badbaadada dalka ayaan u tanaasulay”

RW Rooble” Waxaan leeyahay han Siyaasadeed balse badbaadada dalka ayaan u tanaasulay”

Ra’iisul  Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in uu yahay mid leh han siyaasadeed oo isku sharixi kara xilka Madaxweynaha Soomaaliya balse uu u tanaasulay badbaadada dalka iyo Shacabka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha  oo Shacabka ugu hambalyeeyay Maalinta Koowaad ee Ciidul Fidriga ayaa ka hadlay Arrimo ku saabsan doorashooyinkii dhacay iyo sida uu u wajahay.

“Waxaa Alle mahaddii ah in go’aankeygii ahaa inaanan doorashada ka dhex raadin dano shaqsiyadeed oo ii gaar ah ay ii hirgashay, sidii dhici jirtay waxaa suurtagal ii aheyd inaan madaxweyne isku sharraxo, doorashadana u maamulo si u adeegeysa damaceyga, laakin waxaan goostay in aan dib u dhigto hankeygii siyaasiga ahaa, si aan dalkaan u badbaadiyo”.

Hadalkaan kasoo yeeray Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa kusoo aadaya xilli todobaadyadii la soo dhaafay la hadal haayay in uu isku sharixii doobo xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe