Wararka ka imaanaya gobolka Baay ayaa sheegaya in maanta ciidamada daraawiishta maamulka Koonfur Galbeed ay howlgal qorsheysan oo ka dhan ah Al-Shabaab ka sameeyeen deegaan ku dhow degmada Qansaxdheere.
Weerarkan oo ahaa mid qorsheysan ayaa la sheegay in lagu bartilmaameedsaday xubno gaar ah oo ka tirsan kooxda, waxaana uu ka dhacay tuulada Weel-manaas oo 15 KM u jirta Qansaxdheere.
Sida ay sheegayaan ilo wareedyo ku dhow dhow Taliyeyaal sare iyo ilaalo ka tirsan dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgalka oo ahaa mid qorsheysan, sida ay sheegeen saraakiisha hoggaamineysa howlgalka.
Sida ay sheegeen ciidamada hogaaminaya ugu yaraan lix xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab oo ay ku jiraan horjoogeyaal Nuur Keerow Xaydar iyo Sheegow Aadan Macalin ayaa la xaqiijiyay in lagu dilay deegaanka kadib howlgalo qorsheysan oo ay fuliyeen ciidamada maamulka Koonfur Galbeed.
Sida ay sheegeen ciidamada horjoogayaasha giraanta la dilay ayaa mas’uul ka ahaa dhaqan gelinta go’doominta lagu sameeyay degmada Qansaxdheere iyo lacago baad ah oo ay si xoog ah uga qaadi jireen dadka deegaanka.
Inta uu socday howlgalka ayaa ciidamada waxa ay tilmaameen in sidoo kale ay gacanta ku dhigeen mooto Fekon iyo agab ciidan oo ay wateen maleeshiyaadka.
Xaalada deegaanka ayaa ah mid kacsan, waxaana ciidamada Koonfur Galbeed ay howlgalo ka wadaan guud ahaan gobolka Baay, iyagoo diirada saaraya howlgalada lagu beegsanayo dagaalyahanada Al-Shabaab, islamarkaana ay la beegsanayaan deegaano hor leh.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka Al-Shabaab oo ku aadan howlgallada qorsheysan ee maamulka Koonfur Galbeed ay sheegtaan.