Home Warar Hay’adda WFP oo Deked macmal ah ka hirgelineysa Hobyo!{AKHRISO}

Hay’adda WFP oo Deked macmal ah ka hirgelineysa Hobyo!{AKHRISO}

101

Degmada Hobyo ee Gobolka Mudug waxaa maanta tagay wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Dekedaha & kalluumeysiga DG Galmudug, waxaana qayb ka ahaa Danjiraha Talyaaniga ee Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale oo ka socotay Hay’adda Cunnada u qaabilsan QM ee WFP.

Ujeedka safarka wufuuddaan gaartay Hobyo ah ayaa ah in ay dhagax dhigaan Deked macmal ah oo dhaqaalaha ku baxayo ay bixineyso Hay’adda Cunnada Qaramada Midoobay wakiilka uga ah ee WFP.

 

Heshiiskaan ayaa lagu saxiixay Magaalada London Caasimadda Dalka Ingiriiska, waxaana fulinta howshaan isku howlay Wasiirka Dekedaha Galmudug Cabdi-Saabir Nuur Shuuriye oo dhawaan tagay Magaaladaas.

 

DG Galmudug ayaa Hay’adda WFP u bandhigtay qorshaha ay uga gacansiineyso hirgelinta Deked macmal ah oo badeedaha kala soo degaan Ganacsatada Deegaannada maamulkaas oo safar dheer u gala.

 

Wafdiga ayaa qiimeyn ku sameeyay Xeebta Hobyo & meesha ku habboon in laga aas-aaso Dekedda Macmalka ah oo haddii la dhiso Dekedda weyn laga maarmi karo sida ay sheegeen mas’uuliyiin katirsan DG Galmudug.

 

Heshiis aan fulintiisa lagu dhaqaaqin oo lagu dhisayo Dekedda Hobyo waxaa kala saxiixday Xukuumadaha Dooxa & Muqdisho, wafdi sare oo ka socday Dowladda Qadar ayaa qiimeyn ku sameeyay balse ilaa haatan waxba kama qaban.

 

20-kii June 2020, Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa ku dhawaaqay qorshe lagu dhisayo Dekedda Hobyo, kadib markii 23-kii Maarso 2020 lasoo bandhigay naqshadda loo dhisayo Marsada.

 

2-dii September 2020, Madaxweynaha DG Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa safar uu ku tagay Jabuuti waxa uu Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle u bandhigay sidii Ganacsatada & shirkadaha dalkaas ay gacan uga geysan lahaayeen maalgashi lagu dhiso Dekedda Hobyo.

Haddaba, Mashruuca Hay’adda WFP ay ku dhiseyso Deked macmal ah muxuu uga duwan yahay kii Qadar 2018-kii?

MADAXWEYNE FARMAAJO OO BOGAADIYAY DAAHFURKA MASHRUUCA DEKEDDA HOBYO.

Qatar oo shaacisay in ay Billaabayso Mashruuca Dhismaha Dekadda Hobyo.

Mashruuca Qatar ee ballanqaadka Dhismaha Dekedda Hobyo!

Xaaf iyo Wafdi ka socda Qadar oo gaaray Hobyo.

DG Galmudug oo soo bandhigtay Naqshadda dhismaha Dekedda Hobyo.

Madaxweyne Qoor-Qoor oo sheegay in ay ku dhaqaaqayaan dhismaha Dekedda Hobyo oo Dowladda Qadar horay u ballanqaaday.

Axmed Qoor-Qoor oo Jabuuti u tagay sidii Madaxweyne Geelle, Ganacasatada & Shirkadaha dalkaas ay maalgashi ugu sameynsan lahaayeen Dekedda Hobyo.