Thursday, January 16, 2025
HomeWararHargeysa:- Madaxweyne Muuse Biixi oo ka hadlay xarigga Boqor Buurmadoow.

Hargeysa:- Madaxweyne Muuse Biixi oo ka hadlay xarigga Boqor Buurmadoow.

Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay xarigga iyo xukunka Maxkamad ku taalla Magaalada Hargeysa ay ku ridday Boqor Buurmadoow oo ka mid ah Odayaasha ugu caansan degaannada Somaliland.

Muuse Biixi Cabdi oo wax laga weydiiyay xarigga Boqor Buurmadoow ayaa sheegay in Boqor Buurmadoow ay eedeeyeen xeer ilaalinta Somaliland islamarkaana lagu helay haddalo ka hor imanaya sharciga Somaliland.

Waxaa uu iska fogeeyay in uu isaga ku lug leeyahay xariggiisa,waxaa uu intaas ku daray in xeer ilaalinta iyo garsoorka aysan isaga gacantiisa ku jirin,Boqor Buurmadowna uu sharciga Somaliland qabtay sida dadka kaleba u qaban lahaa.

Waxaa uu intaas ku daray in Boqor Buurmadoow Caddeymo lagu helay halka Odayaasha la socday ee aan la xirinna wax caddeyn ah aan loo heyn.

Muuse ayaa sheegay in tagitaanka Odayaasha ee degaanka Carmo ee Gobolka Bari aysan dambi ahayn laakiin hadallada uu ku hadlay Boqorka ku muteystay xarigga saddexda Sano ah ee ay Maxkamadda ku ridday.

QORAALADA LA XIRIIRA

290 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe