Tuesday, March 18, 2025
HomeWararHalkee Marayaan Wahadallada Soomaaliya Iyo Kenya Ee Muranka Dhanka Badda?

Halkee Marayaan Wahadallada Soomaaliya Iyo Kenya Ee Muranka Dhanka Badda?

Wasiirka arrimaha dibadda Dalka Kenya , Monica Juma,ayaa sheegtay inwadahadalka lagu xallinayo muranka dhinaca Badda ah ee u dhaxeeya Kenya iyo Somaliya uu yahay mid socda.

Waxaa ay sheegtay  wahadalka labada dal uu ka muhiimsanyahay Maxkamadda ICJ ama gacan saddexaad.

Iyada oo arrintaas sharxeysana waxaa ay tiri: “labada qof ee walaalaha ah ayaa isku dhaca,waxaa ay isugu dhacaan si kabadan sida qof kale oo adeerkii ugu dhici lahaa,sababta oo ah Soomaaliya iyo Kenya waa dalal walaalo ah,deris ah isuna dhow,sidaas darteed iyaga ayey ku wanaagsan tahay in ay dhameystaan waxa u dhaxeeya iyada oo aysan ku dhex jirin gacan saddexaad”.

Waxaa ay sheegtay in mar waliba Kenya ay door bideyso in labada dal ay dhameystaan muranka u dhaxeeya kuna dhameystaan si gaar ah,waxaa kale oo ay intaas ku dartay in mar kasta ay farriin u diraan Muqdisho,taas oo ay kaga doonayaan in ay qaadato aragtida xukuumadda Nairobi.

Monica Juma,ayaa sheegtay in Somaliya iyo Kenya ay heystaan beddello badan sida in labada dal gooni isu afgartaan,in labada dal oo ka faa’ideysanaya xubinnimada IGAD ay arrintoodo noqoto mid gobolka ku kooban iyo in Dalkasta xaq u leeyahay go’aankiisa xitaa haddii Maxkamad ama gacan saddexaad geleyso.

Waxaa ay ku doodday in Soomaaliya iyo Kenya ay labadaba ku dhegganyihiin isfahamkii 2009kii,kaas oo labada dal ay isku raaceen in murankasta oo u dhaxeeya lagu xalliyo Miis diblomaasiyadeed.

Monica Juma,ayaa intaas raacisay in hadda uu socdo wadahadal u dhaxeeya labada dalka,kaas oo ay Kenya ka rajeyneyso in aragtida ay qabto la qaato,taas oo ah in labada dal ay xal gaaraan islamarkaana heshiis kala saxiixdaan.

Dhinaca kale Monica Juma, ayaa ka hadashay joogitaanka Ciidanka Kenya ee Soomaaliya,waxaa ay sheegtay in danta Kenya ay ku jirto Ciidanka Kenya ee Soomaaliya jooga.

Waxaa ay sabab uga dhigtay in Kenya aysan nabad noqoneyn inta dalalka deriska uu dab ka shidanyahay.

Barwaaqada Kenya ayey sheegtay in ay ku jirto dalalka deriska oo nabad ah sida Soomaaliya iyo Koofurta Suudaan oo ay labadaba Ciidamo ka joogaan Kenya.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe