Tuesday, January 21, 2025
HomeDhageysiDhegeyso:- Ka Dib Gelitaankii Al-shabaab Baxdo Oo Maanta Imtixaanka Dawladda Looga Fariistay

Dhegeyso:- Ka Dib Gelitaankii Al-shabaab Baxdo Oo Maanta Imtixaanka Dawladda Looga Fariistay

Maanta Oo Sabti Ah Waxaa Inta Badan Deeganada Maamulka Gal-mudug Ardeyda Dhameysatay Waxbarashada Dugsiyada sare U Fariisanayaan Imtixaanka Shaahidga Ah Oo Ay Qaadeyso Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya.

Goobaha Maanta Imtixaanka Dawladda Looga Fariisanayo Waxaa Ka Mid Degmada Cadaado Ee xarunta Baarlamanka Gal-mudug, Cabud-waaq, Dhuusa-mareeb, Guri-ceel, Gaalkacyo Iyo deegaanka Baxdo Ee Gobolka Gal-gaduud.

Baxdo Deegaanada Kale Ee Gal-mudug Oo Maanta Imtixaanka Dawladda Looga Fariisanayo Waxa Ay Kaga Duwan Tahay Cabsi laga Qabo Ee Deegankaasi ay Ku Sugan Yihiin Kooxda Al-shabaab Waxaana shaki La Galinayey In Imtixaanka Dawladda Laga Qaado Ardeyda Wax Ka Barata Deegaankaasi.

Balse Wasaaradda Waxbarashada Maamulka Gal-mudug Ayaa Dadaal Dheer Ka Dib Waxa Ay suurta Galisay In Imtixaanka Dawladda Laga Qaado Ardeyda Ku Sugan Deegaanka Baxdo Ee Gobolka Gal-gaduud.

Dalmar C/laahi Jaamac Oo Ah Guddoomiyaha Waxbarashada Degmada Cadaado Ee Xarunta Baarlamaanka Gal-mudug Oo La Hadlay Idaacadda Codka Gobollada Dhexe Ayaa Waxa Uu Sheegay In Imtixaanka Looga Fariistay deegaanka Isaga Oo Tilmaamay In Hal Goob Oo kaliya Imtixaanka Lagu Galayo.

Guddoomiyaha Waxa Uu Sidoo kale carrabka Ku dhuftay In Ardeyda Maanta Imtixaanka U Fariisaneysa Baxdo Ay Gaarayaan Illaa Iyo 49 Ardey Oo Ah Ardeyda Wax-ka Barata deegaankaasi.

Ku Dhawaaq Shan Degmo Oo Ka Tirsan Kuwa Maamulka Gal-mudug Ayaa Maanta Waxaa Looga fariistay Imtixaanka Shaadiga Ah Oo Ay qaadeyso Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya Kaas Oo Ku eg Arbacada Soo Aadan.

Hoos Ka Dhgeyso Wareysiga Guddoomiyaha Oo Dhameystiran:-

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe