Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in ay baarayaan weerar u muuqda mid aan duuliye lahayn oo ku dhuftay bartamaha magaalada Tel Aviv saacadihii hore ee Jimcihii.
War qoraal ah oo ay soo saartay, ayay ku sheegtay in baaritaan bilow ah uu muujinayo in qaraxa uu ka dhashay dhicitaanka “bartilmaameedka hawada sare”, kaas oo aan la dhex gelin sababtoo ah khalad bani’aadam.
Kooxaha gurmadka degdega ah ee Israel ayaa sheegay in qaraxa uu sababay dhimashada hal qof iyo dhaawac fudud.
Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarka.
Kooxda – oo ay taageerto Iran – ayaa goor sii horeysay ku shaacisay baraha bulshada in ay soo bandhigi doonaan faah faahin ku saabsan howlgalkii militari ee lagu bartilmaameedsaday Tel Aviv.
Milatariga Israa’iil ayaa intaa ku daray in ay kordhinayaan roondada hawada, halka duqa magaalada uu sheegay in ay heegan sare ku jiraan, sida ay sheegtay warbaahinta gudaha.
“Dhismaha oo dhan waa gariiray,” Alon, oo ah dadka deegaanka, ayaa u sheegay Haaretz.
“Daaqadaha deriskayga ayaa burburay, markaa waxaan hubay in wax ku dhaceen dhismaha. Markii aan dibadda u soo baxay ayay ahayd markii aan ogaaday in dhowr dhismo ay waxyeelo soo gaartay.
Dhacdadan ayaa sidoo kale timid ka dib markii ciidamada Israel ay xaqiijiyeen inay dileen taliye sare oo ka tirsan maleeshiyada Xisbullah ee koonfurta Lubnaan.
Hezbollah iyo Israel ayaa rasaas ku kala iibsanayay xadka tan iyo markii Xisbullah ay gantaalo ku garaacday maalin kadib markii Israa’iil ay bilowday duullaanka militari ee ay ku hayso Qaza iyaga oo uga jawaabaya weerarkii dhimashada lahaa ee Xamaas ku qaaday Israa’iil 7-dii October.
Labada Xisbullah iyo Xuuthiyiinta ayaa sheegay inay u dhaqmayaan si ay u garab istaagaan Falastiiniyiinta.

