Tuesday, June 30, 2026
HomeWararDibaddaCiraaq: Howlgallo ka dhan ah Musuqmaasuqa oo la billaabay iyo Mas’uuliyiin la...

Ciraaq: Howlgallo ka dhan ah Musuqmaasuqa oo la billaabay iyo Mas’uuliyiin la xirxiray

Dowladda Ciraaq ayaa dhowaan billawday howlgallo ballaaran oo lagula dagaallamayo musuqmaasuqa, iyadoo saacadihii la soo dhaafay xabsiga loo taxaabay siyaasiyiin caan ah, xildhibaanno, iyo ganacsato miis leh.

Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq, Cali Al-Saydi, ayaa digniin adag u diray siyaasiyiinta iyo ganacsatada lagu tuhunsan yahay lunsashada hantida dadweynaha. Wuxuu ugu baaqay inay si degdeg ah u soo celiyaan hantida qaranka, haddii kale ay wajahi doonaan xarig iyo dacwado sharci ah.

Wararka ayaa intaas ku daraya in qorshuhu yahay in muddo 72 saac gudahood ah lagu soo xiro in ka badan 200 oo mas’uul. Ujeeddada howlgalkan ayaa ah in dib loo soo celiyo hantidii qaranka ee la dhacay lixdii bilood ee u dambeeyay.

Dalka Ciraaq ayaa muddo ka badan 20 sano waxaa curyaamiyay musuqmaasuq baahsan oo saameeyay dhammaan hay’adaha dowladda. Shacabka dalkaas ayaa si weyn u soo dhoweeyay tallaabooyinka ay dowladda cusubi ku qaadayso ciribtirka maamul-xumada iyo xatooyada xoolaha dadweynaha.

Ra’iisul Wasaare Cali Al-Saydi, oo xafiiska la wareegay bishii May ee sannadkan, ayaa ah 41-jir hami weyn leh, waxaana muuqata inuu doonayo inuu isbeddel dhab ah ka sameeyo xaaladda adag ee uu dalku ku jiro.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe