Friday, February 13, 2026
HomeWararGuddoomiye Mursal Oo Kulan La Qaatay Odayaasha Dhaqanka KGS

Guddoomiye Mursal Oo Kulan La Qaatay Odayaasha Dhaqanka KGS

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Gudoomiye Ku-Xigeenka 1’aad ee Barlamaanka Cabdi wali Sheekh Ibraahim muudeey ayaa Kulan is Xog-wareysi ah La Qaatay Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed, kuwaasi oo Laf dhabar u ah Hogaanka Bulshada Koonfur-galbeed,

Gudoomiyaha ayaa Warbixinno La Xiriirta Xaaladaha Koonfur-galbeed Ka Dhageystay Qaar Kamid ah Odayaasha iyaga Oo Ka Hadlay Arimahii Ka dhacay Koonfur-galbeed Maadaama ay Yihiin Dadkii Qeyb Lexaad Leh Ka Qaatay Dhismihii Maamuladii Soo maray Koonfur-galbeed,

Odayaasha ayaa soojeediyay inay diyaar u yihiin nabadeynta iyo garab istaagga Maamulka Koonfur-galbeed Hogaanka Cusub ee Uu Yeeshay Maadaama ay filayaan inuu Wax Badan oo Horumar ah gaarsiinayo Shacabka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Odayaasha Waxay qireen in wixii dhibaata ah ee Ka dhacay Koonfur-galbeed Shacabka ay Ka gudbeen ayna Diyaar u yihiin Xal waliba inay Ka qeyb qaataan.

Intaas Ka dib Gudoomiyaha Barlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa Odayaasha Dhaqanka Kala hadlay arrimihii ay Soo jeediyeen, Wuxuuna u jeediyay in Si deg deg ah ay u xalin doonaan dhamaan howlaha wax ka qabashada u Baahan,

“Waxaan Si gaar ah u dhinac istaagi doonaa Dadka Tabashooyinka Qaba iyo dhamaan dhinacyada u baahan inay nala Shaqeeyaan Si daawa Loo Helo Waa in marka hore wixii dhibka Keenay aan Ka bilownaa ,

Gudoomiyaha yaa intaasi sii Raaciyay ” Waxaa Jiri doona Kulamo Joogta ah Oo Wada Tashi Ku Saabsan Oo aan La yeelan doono sidoo Kalena Laga Warqabi Doono Odayaasha Dhaqanka,”

“Runtii Waxaa Muhiim Ah Talada Ku Saabsan Amniga inaan Idinku Garab siino Waana Muhiimadda Koobaad Ee Dhismaha Dawladnimada Shacabka Iyo Maamulkan KG Ay Inay Wada Shaqeeyaan ,

Ugu Dambeyn Gudoomiyaha Ayaa Odayaasha Dhaqanka U Balanqaaday Inay Gaar ahaan Iyo Guud ahaanba Ay Heli Doonaan Garab Istaag Odayaasha dhaqanka

” Mar waliba Waa In La xusuusnaadaa inaad tihiin tiirarkii dawladnimada runtii Waana La idin baahan yahay Waa in la idinka warqabaa anagoo ah Madaxdii Federaalkana Waan Ka Shaqeyn Doonaa Inaan Xuquuqdiina Heshaan,”ayuu Hadalkiisa Kusoo Gabagabeeyay Gudoomiyaha Barlamaanka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe