Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Dowladda Imaaraadka Carabta u qaabilsan Soomaaliya Danjire Axmed Juma Al-Rumaythi. Kulanka oo ka dhacay xarunta Villa Somalia ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii la isaga kaashan lahaa la dagaalanka argagixisada Soomaaliya.
Intii ay socdeen wada-hadallada labada mas’uul waxay ku nuux-nuuxsadeen muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta labada dhinac, waxayna xaqiijiyeen inay ka go’an tahay sii xoojinta xiriirka ka dhexeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka. Madaxweyne Maxamuud iyo danjire Al-Rumaythi waxay sahamiyeen dhinacyo kala duwan oo ay danaynayaan kuwaas oo sii xoojin kara xidhiidhka saaxiibtinimo ee dalalkooda.
War murtiyeed laga soo saaray kulanka kadib ayaa dowladda Soomaaliya waxa ay ku sheegtay qodobadii ugu muhiimsanaa ee laga wada hadlay. “Waxay ka wadahadleen arrimo khuseeya danaha labada dal, oo ay ku jiraan wanaajinta xidhiidhka laba geesoodka ah ee u dhexeeya labada waddan ee walaalaha ah iyo iskaashiga amniga si loo xoojiyo dadaallada joogtada ah ee dawladda ee la dagaallanka argagixisada Soomaaliya,” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka.
Imaaraadku wuxuu ahaa saaxiibka muhiimka ah ee horumarinta iyo amniga Soomaaliya. Wada xaajoodyadu waxay hoosta ka xariiqeen muhiimadda ay leedahay in la sii wado taageerada iyo iskaashiga si wax looga qabto caqabadaha amni ee ay geystaan kooxaha argagixisada . Labaduba waxay qireen doorka muhiimka ah ee iskaashiga caalamiga ah ee xaqiijinta xasilloonida iyo amniga Soomaaliya.
Madaxweyne Maxamuud ayaa sheegay inuu aad ugu mahadcelinayo taageerada joogtada ah ee ay Imaaraadku la garab taagan yihiin dhinacyada kala duwan ee ay ka mid yihiin gargaarka bini’aadantinimo, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo tayaynta. Waxa uu sidoo kale tilmaamay dadaalka dowladda Soomaaliya ay ugu jirto abuurista jawi ammaan ah oo ku habboon kobaca dhaqaalaha iyo horumarka.
Danjire Al-Rumaithi waxa uu xaqiijiyey sida ay Imaaraadka Carabta uga go’an tahay inay Somalia ka taageeraan la-dagaalanka Argagixisadda iyo raadinta Nabadda iyo Deganaanshaha. Waxa uu ku celceliyay rabitaanka Imaaraadka ee kor u qaadista iskaashiga amniga iyo bixinta agabka iyo khibradaha lagama maarmaanka ah si loo caawiyo dadaallada ka dhanka ah argagixisada ee Soomaaliya.
Kulanka Madaxweyne Maxamuud iyo Danjire Al-Rumaythi ayaa muujinaya tallaabo kale oo loo qaaday dhanka xoojinta iskaashiga istiraatijiyadeed ee Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

