Saturday, May 30, 2026
HomeWararGuddoomiyaha Golaha Shacabka & Axmed Madoobe oo kawada hadlay Xildhibaannadii Ceelwaaq

Guddoomiyaha Golaha Shacabka & Axmed Madoobe oo kawada hadlay Xildhibaannadii Ceelwaaq

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa Muqdisho kula kulmay Gudoomiyaha Cusub ee golaha shacabka BJFS Sheikh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo dhawaan ku guulaystay xilka Gudoomiyaha golaha shacabka.

Madaxweynaha ayaa Gudoomiyaha ugu hambalyeeyay xilka Cusub ee loo doortay isagoo la wadaagay Sida shacabka Jubbaland iyo Bulshada Soomaaliyeedba ay ugu riyaaqeen doorashadiisa.

Dhinaca kale waxaa Madaxweynahu uu Gudoomiyaha uga mahad celiyay go’aanka lagu fasaxay Xildhibaanada deegaan doorashada labaad ee Jubaland si dadka gobolka gedo ayna uga harin doorashooyinka guud ee dalka.

Madaxweynaha Jubbaland oo shalay soo gaaray Muqdisho ayaa sii wadi doona kulamada looga hadlayo doorashooyinka ilaa iyo inta laga gaarayo 15 Bishaan oo la qorsheeyay in la qabto doorashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe