Saturday, July 13, 2024
HomeWararDibaddaCiidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo howlgalo guulo ah ka sameeyay gobolka Galgaduud

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo howlgalo guulo ah ka sameeyay gobolka Galgaduud

Ciidamada dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa ku sugan gobolka Galguduud ayaa xoojiyey howlgallada qorsheysan ee ka dhanka ah Al-Shabaab oo ay ku qaadeen weerar gaadmo ah oo ka dhacay deegaanka Xuseen Cagey oo hoostaga degmada Masagawaay.

Ciidamada oo markii hore helay xogo ku saabsan dib u abaabulka iyo dhaq dhaqaaqa dagaalyahanada Al-Shabaab ee deegaanka ayaa weerar gaadmo ah ku qaaday kooxdaasi, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo daba socday.

Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in ay fariisimo ka sameysteen wadadaasi oo ay qorsheynayeen in ay weerar gaadmo ah ku soo qaadaan, islamarkaana ay khasaare gaarsiiyeen kooxdaasi oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Saraakiisha ayaa sidoo kale xusay in dhankooda aysan jirin wax khasaare ah oo soo gaaray, isla markaana ay si qorsheysan u fuliyeen howlgalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalka labada dhinac uu ahaa mid aad u xoogan balse Al Shabaab lagu jebiyay deegaanka Xuseen Cagey ee Bariga Gobolka Galgaduud.

Xaalada ayaa hadda ah mid aad u kacsan, mana jiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka Xarakada Al-Shabaab oo ku aadan weerarka ay ciidamada dowladda ay ku sheegteen in ay ka fuliyeen deegaano ka tirsan Gobolka Galgaduud oo khasaaro badan ay ku gaarsiiyeen.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii ciidamada dowladda Federaalka ay iska caabiyeen weerar ballaaran oo dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay ku qaadeen degmada Ceel-dheer ee gobolka Galgaduud, waxaana ka dhashay khasaare lixaad leh. Ciidamada dowladda ayaa horay u helay xog sirdoon oo ku saabsan weerarka soo socda, taasoo u sahashay inay diyaariyaan oo ay ka jawaabaan si hufan oo ay ku dileen 47 ka tirsan Al-Shabaab.

Iska horimaadkan iyo howlgallada qorsheysan ee ka dhanka ah dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa muujinaya dagaalka u dhaxeeya ciidamada dowladda Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa deegaanka iyo kooxda Al-Shabaab. Howlgallada adag ee ka dhanka ah dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa muujinaya ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ee abaabulan ee loo yaqaano Macawisley, waxayna taasi muujineysaa sida ay u adkeysanayaan iyo isku xirka ciidamada si ay uga hortagaan qataraha amniga iyo ilaalinta nabadda iyo xasiloonida dalka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muhiimad gaar ah siisay amniga, waxayna ballan qaaday in dagaal guud ay la geli doonto dagaalyahannada Al-Shabaab, iyadoo madaxda ugu sareysa ay ammaaneen ciidamada galantiga ah, waxayna shacabka Soomaaliyeed ugu baaqeen inay isku soo baxaan oo ay cadowga ka guuleystaan ​​si ay dadkooda iyo dalkooda uga xoreeyaan.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe