Tuesday, March 18, 2025
HomeWararGalmudug oo Al-Shabaab ku eedeysay dagaal beeleedyadda Mudug iyo Galgaduud

Galmudug oo Al-Shabaab ku eedeysay dagaal beeleedyadda Mudug iyo Galgaduud

Maamulka Galmudug ayaa faahfaahin ka bixiyay dagaal beeleedyo saacaddihii lasoo dhaafay ka dhacay degaano ka tirsan gobolada Mudug iyo Galgaduud oo u dhaxeeyay beelo walaalo ah.

Wasiirka Warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa sheegay in ciidanka Galmudug ay guulo ka gaareen dagaal ay Al-Shabaab kula galeen maalmihii lasoo dhaafay degaano ku yaalla gobolka Galgaduud, sido kalena Ciidanka Galmudug ay kusii jeedaan Ceelbuur.

Waxaa uu tilmaamay wasiir Falagle in Al-Shabaab ay ka dambeeyaan dagaal beeleedyada, iyadoo u jeedada laga leeyahay ay tahay sidii loo wiiqi lahaa howlgallada ka socda Gobolka.

Beelaha walaalaha ah ayuu ugu baaqay in ay joojiyaan dagaalka, islamarkanaa Ciidanka Galmudug ay gaari doonaan maalmaha soo socda.

Waxaa uu tilmaamay wasiir Falagle in Galmudug ay la xisaabtami doonto dadka fulinaya dagaal beeleedyadda ka socda gobolka Galgaduud.

 

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe