Faragelin siyaasadeed oo lagu hayo mashaariicda uu Bangiga Adduunka ka fuliyo Soomaaliya iyadoo la sheegayo in shaqaalaha lagu cadaadinayo inay dhinac uga soo wada jeestaan shaqsiyaadka siyaasad ahaan loo soo xulay oo aan lahayn xirfado shaqo oo loo baahan yahay.
xaalad murugo leh oo marka hore shaqaalaha lagu bartilmaameedsado eedeymo aan sal iyo raad lahayn Kadibna waxaa shaqada laga ceyriyaa iyadoo aan loo marin sifo sharci ah iyagoo ku xad gudbaya sharciga shaqada iyo shuruucda Bangiga Adduunka.
Kiisaska ugu daran ayaa ah Hirshabeelle iyo Wasaaradda howlaha guud ee dowladda Federaalka Inkastoo Wasaaradda Howlaha Guud ay xal ka gaartay isku day shaqo oo aan cadaalad ku saleysneyn oo ahaa in shaqada laga ceyriyo shaqaalihii ay khuseysay hadana shaqaalaha kale ee ka shaqeeya mashaariicda uu bixiyo Bankiga Adduunka ay cabsi joogto ah ka qabaan in shaqada laga eryo sababo la xiriira dhaqamadaas gurracan.
Mashruuca sida weyn loo saameeyay waa mashruuca ‘Barwaaqo’ ee Bangiga Soomaaliya ee biyaha u adkeysiga reer miyiga kaasoo ay hormuud ka tahay Wasaaradda Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Federaalka Hirshabelle si la mid ah dhammaan dowladaha xubnaha ka ah Federaalka ayaa ka faa’iideysanaya mashruuca Taasi waxay keentay in Hirshabeelle ay hadda ku dhaqanto hawl-wadeennada mashruuca hawl-karnimo mid dhinac ah iyo tallaabo ka baxsan hab-dhaqanka iyaga oo u xaglinaya qof aan u qalmin oo siyaasad ahaan loo doorbido shaqada Si kastaba ha ahaatee falalkan kuma koobna Hirshabeelle oo kaliya oo arrinteeda hadda aad looga hadal hayo.
Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka iyo kuwa Hirshabeelle oo ka gaabsaday in magacooda la shaaciyo sababo la xiriira xasaasiga ah arrintan ayaa xaqiijiyay in eedeynta been abuurka ah ee loo jeedinayo shaqaalaha “Shaqaale iyo kuwo aan waxba galabsanin” ay tahay xeelad lagu bedelayo shaqsiyaad ay u xaglinayaan madaxda siyaasadda. Tallaabadan ayay sheegeen inay tahay mid loogu talagalay in dhaqaalaha Bangiga Adduunka loo weeciyo hindiseyaal musuqmaasuq ah.
xog lagu kalsoonaan karo oo ku saabsan in dhawaan shaqaale u kireystay mashruuca Bankiga Adduunka ee Hirshabeelle uu booskaas ku helay CV-ga laga been abuurtay. Cv-ga shaqsiga waxaa ka buuxay shahaadooyin iyo khibrado aysan dhab ahaan lahayn Qorshahan oo mas’uul sare oo ka tirsan Hirshabeelle uu ku tilmaamay “khiyaano” ayaa la sheegay inay soo abaabuleen madaxda sare ee Hirshabeelle si loo soo bandhigo shaqsiga u qalma inuu buuxiyo shuruudaha laga rabo iyo in gacan laga geysto sidii loo maamuli lahaa qorista shaqaalaha kale ee mashruuca iyo sidoo kale in dhaqaalaha mashruuca loo mariyo hadba sida la rabo hogaanka siyaasadda.
marka eedeymahan siyaasadeysan ee lagu soo oogay shaqaalaha aan waxba galabsan la caddeeyo inaysan sal iyo raad toona lahayn waxaa la isku dayaa in lagu qasbo shaqaalaha ay khuseyso inuu is casilo “si ikhtiyaari ah” iyadoo loo marayo qoraalo qabyo ah oo is-casilaad ah oo ka soo jeeda hoggaanka siyaasadda Hirshabeelle.

