Wafti balaaran oo uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibedda dalka Ereteriya mudane Cusmaan Saalax Maxamed, ayaa maanta gaaray magaalada Hargeysa ee Caasimadda Maamulka Soomaaliland.
Waftigaan ka socday dawladda Ereteria waxaana Garoonka diyaaradaha Cigaal International Airport, ee Hargeysa kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Somalialnd Muuse Biix Cabdi iyo xubno kale oo ka tirsan Maamulkiisa.
Ujeedka socdaalka Wasiirka Arrimaha Dibedda Ereteriya Cusmaan Saalax Maxamed oo uu wehliyo Lataliyaha madaxweynaha Ereteria, wax faahfaahin ah lagama bixin, hasayeeshee wasiirka warfaahinta Ereteria Yemane G. Meskel, ayaa bartiisa Tuwiiterka ku sheegay inay qayb ka tahay dadaallada socda ee lagu xoojinayo nabadda gobolka.
#Eritrea's Foreign Minister Osman Saleh and Presidential Adviser Yemane G/ab have arrived in Hargeisa today for a working visit and as part and parcel of ongoing concerted efforts to enhance regional peace pic.twitter.com/XoL6zVt378
— Yemane G. Meskel (@hawelti) March 18, 2019
Magaaladda Hargeysa waxaa hadda shir jaara’iid uga socdaa Cismaan Saalax Maxamed Wasiirka Arimaha Dibada Ereteria Iyo Yaasiin Faraton Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland, waxaana la filayaa in somaliland ay faahfaahiso shirkaasi marka uu soo dhamaado.
Magaaladda Hargeysa waxaa hadda shir jaara’iid uga socdaa Cismaan Saalax Maxamed Wasiirka Arimaha Dibada Ereteria Iyo Yaasiin Faraton Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland, waxaana la filayaa in somaliland ay faahfaahiso shirkaasi marka uu soo dhamaado. pic.twitter.com/FGtBPP4sFc
— The Sudani Post (@TheSudaniPost) March 18, 2019