Tuesday, July 8, 2025
HomeWararAKHRISO:- Maxaa ka Jira in La Siidaayay C/Kariin Muuse Qalbidhagax?

AKHRISO:- Maxaa ka Jira in La Siidaayay C/Kariin Muuse Qalbidhagax?

Warar saacadihii la soo dhaafay soo baxayay ayaa sheegaya in la sii daayay C/kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo sanad ka hor dowladda Soomaaliya u gacan gelisay dowladda Itoobiya.

Sida ay xaqiijinayaan ilo kala duwan oo laga helay gudaha Itoobiya C/kariin Qalbi Dhagax ayaa la sii daayay, inkastoo aan weli la shaacin sii deyntiisa.

Hase ahaatee sawirro la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya C/kariin Qalbi Dhagax oo dhoolacadeynaya, kuna jira qol jiif ah, waana markii labaad oo uu soo muuqda, tan iyo bishii May oo sawir lagu faafiyay barta Facebook Madaxweynaha Jubbaland.

Bishii hore ayay aheyd markii Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe uu ku booqday C/kariin Qalbi Dhagax goob aan la shaacin oo ka mid ah Addis Ababa, waxaana uu xilligaas uu ka codsaday dowladda Itoobiya inay sii deyso.

Lama oga qaabka sii deyntiisa ku timid, hase ahaatee dowladda Itoobiya ayaa muddooyinkiiu dambeeyay waday sii deynta maxaabiista u xiran siyaasadda iyo mucaaradka ka soo horjeeda, kaddib is bedelo ka dhacay dalka.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa tan iyo markii uu talada la wareegay bishii April la yimid siyaasad furfurnaan iyo is bedelo ka duwan sidii lagu yaqiin Itoobiya, isagoo dabacsanaan u muujisay dhinacyada ka soo horjeeday Itoobiya iyo dalal ay siyasad ahaan isu hayeen.

Dowladda Soomaaliya ayaa la xusuustaa in bishii August ee sanadkii hore u gacan gelisay Itoobiya, waxaana tallaabadaas la xusuustaa in dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo inay ku weysay inta taageeradii shacabka Soomaaliyeed.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe