Friday, April 25, 2025
HomeWararFaahfaahin Qarax Caawa ka dhacay Gaalkacyo

Faahfaahin Qarax Caawa ka dhacay Gaalkacyo

Ciidamo ka tisan Puntland ayaa qarax lagula eegtay bartamaha magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.
Qaraxa oo ahaa miino kuwa gacanta ah oo lagu tuuray ciidamo howlagal waday, ayaa waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Saraakiil ka tirsan Puntland ayaa sheegay in qaraxa uu ku dhintay qof rayid ah, sidoo kalana ay ku dhaawacmeen labo askari oo ka tirsanaa ciidamada qaraxa lala eegtay.
Inkastoo aysan jirin faahfaahin rasmi ah oo ka soo baxaysa haddii ciidanka khasaare ka soo gaarey bamkaasi, haseyeeshee waxaa la sheegay in ciidanku ay rasaas ku fureen shaqsigii soo tuuray bam gacmeedka, iyadoona rasaasta laga maqlay qaybo kamid ah Galkacyo.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe