Wararka Ka Imaanaya Magaalada muqdisho ayaa waxa Ay sheegayan In Rag hubysan goordhow laba askari oo ka tirsan Ciidamada Dowladda soomaaliya ay ku dileyn qeybo ka mid ah degmada Yaaqshiid ee Gobolkaan Banaadir.
Labada Askari oo ka tirsanaa Ciidamada Minashiibiyada ee Canshuurta qaada ayaa waxaa lagu dilay Isgoyska Afarta-Darjiino,waxana la sheegay in raggii dilakaasi ka dambeeyey in ay baxsadeen.
Qof ka mid ahaa dadka ku sugan Isgoyska Afarta-Darjiino xilligii uu dilka dhacayay ayaa sheegay in labada askari ay rasaasta ka haleeshay qeybaha sare ee jirka,halkaasna ay ku geeriyoodeen,isla markaana meydka uu yaallo halkii lagu dilay.
Magaalada Caasimadda ah Ee Muqdisho Maalmahaan waxaa Kusoo badanayey Dilalka Laga Geysanayo Shalay Ayey Ka Dib Markii kooxo Hubeysan Muqdisho Ku Dhaawaceyn saxafiyad Ka Tirsaneyd war-baahinta dawladda