Hoos u dhac ayaa ku iman doona ammaanka muwaadiniinta, hadii UK ay ka baxdo heshiisyada dhanka ammaanka ee ay ku jirto marka ay ka baxdo Midawga Yurub, sida ay ra’iisulwasaare Theresa May uga digtay hogaamiyeyaasha Midawga Yurub.
Britain ayaa sheegtay in masuuliyiinta wadagadallada uga qaybgalaya Midawga Yurub ay ka horistaagayaanadeegsiga heshiiska ay ku dabogalaan dadka looga shakisan yahay argagixisada iyo isla wadaagidda macluumaadka wixii ka dambeeya bisha Maarso ee 2019ka.
Midawga Yurub ayaa sheegay in marka Britain ay ka huleesho Midawga Yurub aysan sii adeegsan karin siyaasadihii iyo shuruucdii markii ay xubinka ahayd oo kale ah.
May ayaa masuuliyiinta Midawga Yurub ugu baaqday “in ay ka baaraan dagaan waxa u wanaagsan muwaadiniintooda iyo kuwa naga”.
Iyada oo ka hadlaysay casho lagu qabtay magaalada Brussels ayay ra’iisulwasaaruhu sheegtay in carqaladaynta hawlaha laamaha ammaanka ay ka dhigan tahay hoos u dhigidda awooddii ay kula dagaalamayeen argagixisada.
“Ma awoodi doono in aan si degdeg ah isula wadaagno dadka la doondoonayo, oo ay ku jiraan kuwa dambiyada waawayn gaysta,” ayay tiri May.