Sunday, April 12, 2026
HomeWararfaafaahin:Kooxo hubeysan oo maanta dil ka geystay magaalada Muqisho

faafaahin:Kooxo hubeysan oo maanta dil ka geystay magaalada Muqisho

Rag ku hubeysan bistootado ayaa askari ka tirsanaa ciidamada dowladda ku dilay degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Toogashada oo ka dhacday isgoyska Korontada ayaa waxaa loo geystay askari ka tirsanaa ciidamada Canshuuraha ee loo yaqaano Minashiibiyo.

Wararka ayaa sheegaya in falka kadib dabeleydii ka dambeysay toogashadaasi ay goobta isaga baxsatay.

Sidoo kal waxaa goobta uu dilku ka dhacay gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo Meydka marxuumka ka qaaday halkaasi.

Ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka iyo maamulka degmada Wadajir oo ku aadan dhacdadaasi.

Muddooyinkii u dambeeyey ayaa waxaa Muqdisho ka dhacayey falal ammaan darri oo isugu jiro qaraxyo nooca miinada ah iyo dilal qorsheysan, waxaana dhacdooyinkan ay ku soo aadayaan, iyada oo ay haatan Soomaaliya ay ku jirto marxalad doorasho & kala guur.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe