Faafaahin:dagaal ka socda deegaanka hoostaga gobolka Sool

11
144
Dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC Khaatumo, ayaa saaka ka socda deegaanka Bisiqa oo ka tirsan deegaanka Yeyle ee gobolka Sool.

Dagaalka ayaa sida lagu waramayo ah mid aad u culus, inkasta oo aan wali laga hayn xog buuxda oo ku saabsan deegaanada uu sida rasmiga ah uga socdo iyo inta uu leegyahay khasaaraha ilaa hada labada dhinac soo kala gaadhay.

Ciidamada Somaliland iyo kuwa SSC Khaatumo ayaa dhawaanahan isku horfadhiyay deegaamada Buqdharkayn iyo Yayle oo ay dagaalo hore ugu dhexmareen labada dhinac.

Dagaalka ayaa waxa kale oo qayb ka ah ciidamo beeleed isku magacaabay SSB, oo garabsiinaya ciidamada Somaliland ee aagaa ku sugan.

Ciidamada SSC Khaatumo ayaa dhawaan dab qabadsiiyay tuulada Buqdharkayn, kadib markii ay sheegeen in dad kasoo duulay aaga Buqdharkayn ay laayeen dad reer miyi ah, oo dagan meel bari ka xigta tuulada.

Kadib gubista Buqdharkayn Isimada SSC Khaatumo ayaa nabad ku baaqay, iyado qaar kamid ah salaadiinta dhinaca Somaliland-na ay diideen in ay nabada la qaataan.

11 COMMENTS

  1. You can certainly see your skills in the paintings you write. The arena hopes for more passionate writers such as you who aren’t afraid to say how they believe. At all times follow your heart.

  2. Sweet blog! I found it while searching on Yahoo News. Do you have any tips on how to get listed in Yahoo News? I’ve been trying for a while but I never seem to get there! Cheers

  3. Thanks , I’ve just been looking for info about this topic for ages and yours is the greatest I’ve discovered till now. But, what about the bottom line? Are you sure about the source?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here