Dagaal u dhaxeeyay Labo maleeshiyo Beeleed ayaa Maanta ka dhacay duleedka degaanka Ilix oo hoostaga degaanka Ceeldheere ee duleedka magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.
Dagaalkaan ayaa salka ku haaya Arrimo la xariira muran dhuleed isagoona markii danbe isku badalay gacan kahadal toos, waxaana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Goobjoogayaal ayaa sheegay warbaahinta in Daryanka hubka noocyadiisa kala duwan oo ay isku adeegsanayeen labada dhinac laga maqlayay magaalooyinka Guriceel iyo Dhusamareeb.
Wararka aan helnay ayaa waxaa ay intaasi kudarayaan in Mas’uuliyiin katirsan laamaha Amniga magaalada Dhuusamareeb oo dagaalka ku baxay, iyagana la rasaaseeyay, waxaana weli Goobihii lagu dagaalamay laga maqlayaa rasaas xoogan.
Laamaha Amniga dowlad Goboleedka Galmudug ayaan weli ka hadlin colaadaan kasoo cusbonaatay degaanno hoostaga magaalada Dhuusamareeb, waxaana dagaalka uu kusoo aadayaa xilli Maanta ay tahay maalinta koobaad ee ciida carafo.

