Friday, June 26, 2026
HomeWararDibaddaCiidamada RSF oo siidaayay maxaabiis & dagaal ka socda Magaalada Khartuum xilli...

Ciidamada RSF oo siidaayay maxaabiis & dagaal ka socda Magaalada Khartuum xilli …

Ciidamada ku dagaalamay Magaalada Khartuum oo ah Caasimadda Dalka Suudaan waxa ay ku dhawaaqeen xabbad joojin hal maalin ah, si dadka reer Suudaan ee ku sugan goobaha uu dagaalka ka socda ay u ciidaan maalinta Ciidul-Adxa.

Xabad joojinta ay ku dhawaaqeen Saraakiisha hoggaamineysa Ciidamada ku dagaalamaya Magaalada Khartuum ee dalka Suudaan ayaa u muuqata mid burburtay, kaddib markii rasaas xooggan laga maqlay degmooyin ka tirsan Caasimadda.

Qoraal kooban oo lagu daabacay barta Facebook-ga ee dowladda Suudaan ayaa lagu sheegay in maalinta Ciidda ay ku dhawaaqayaan xabad joojin, iyada qoraalka ka soo baxay dowladda lagu yiri “in maalinta Ciidda ay ciidamadu ku dhawaaqeen xabbad joojin maalinta koowaad ee Ciidul Adxaa”.

Sidoo kale Ciidmada RSF-ta ayaa maalnimadii shalay ku dhawaaqeen in ay sii deyn doonto 100 maxaabiis ah maalinta Arbacad oo ah maanta, taas oo ku sheegeen in ay u sii deen doonaan ciida Al-Adxa awgeed. Sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Ciidamada.

Warbixin ay soosaartay Hay’adda Qaxootiga Adduunka UNHCR ee hoostagta Qaramada Midoobay ayaa lagu faah-faahiyay qiyaasta dadka ka barakacay colaadda Jamhuuriyadda Suudaan ee soo shaacbaxday Bartamihii April 2023.

Kaaliyaha Wakiilka sare ee howlgalka UNHCR Ninka lagu magacaabo Raouf Mazou ayaa soo gudbiyay warbixinta diiwaanka dadka ka barakacay colaadda Jamhuuriyadda Suudaan iyo sida ay dagaalladu u saameeyeen.

Raouf ayaa sheegay in qiyaastii hal milyan oo qof in ay barakaceen iyada oo weli taagan tahay xaaladda adag ee sanado ka jirtay Daarfuur, waxa uu soo jeediyay in xal loo helo colaaddaas oo sababi karta in barakac horleh ay galaan qoysas kale.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe