Friday, March 29, 2024
HomeWararfaafaahin:Dagaal ka bilaawday degaano ka tirsan dowlad degaanka Soomaalida.

faafaahin:Dagaal ka bilaawday degaano ka tirsan dowlad degaanka Soomaalida.

Dagaalka oo geystay khasaaro kala duwan ayaa degaano ku yaal Galbeedka Gobolka Siti waxaa uu ku dhex-marayaa Ciidamada gaarka ah ee dowlad degaanka Soomaalida iyo Maleeshiyaad ka tirsan Canfarta.
Sida ay sheegayaan wararka la helayo dagaalka ayaa waxaa uu yimid kadib markii Jabhad ka tirsan maleeshiyaadka canfarta ay weerar ku qaadeen degaano ku yal Galbeedka Gobolka Siti, halkaas oo ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan dowlad degaanka Soomaalida.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in ilaa Saddex Ruux ay ku geeriyoodeen dagaalka 5 kalena ay ku dhaawacmeen,kuwaas oo dhamaantood ah dhinacyada dagaalamaya.
Saddex Maalin ka hor ayaa sidaan oo kale waxaa degaano ku yaal Galbeedka Gobolka Siti ay ku dagaalameen Ciidamada dowlad degaanka oo garab siinaya dad Shacab ah iyo maleeshiyaad Canfarta ah.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe