Wednesday, April 29, 2026
HomeWararDuqa Gaalkacyo “Shacabka Gaalkacyo waxaa dhibaato xoogan ku haya Covid-19”.

Duqa Gaalkacyo “Shacabka Gaalkacyo waxaa dhibaato xoogan ku haya Covid-19”.

Duqa Magaalada Gaalkacyo Cabdiraxmaan Sheekh Xasan Jimcaale oo la hadlay Warbaahinta dowladda  ayaa sheegay in xaalada cudurka Covid-19 ee gobolka ay sii kordheyso.

Duqa ayaa sheegay in guud ahaan gobolka Mudug uu isbitaalka Magaalada Gaalkacyo oo kaliya uu ka shaqeeyo isagoo xusay in isbitaalka uu xitaa ku filnaan karin isla markaana dabooli karin baahida caafimaad ee Magaalada Gaalkacyo.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ay aad u hoseeyso wacyiga bulshada ku dhaqan magaalada Gaalkacyo asagoo xusay in dadka ay caadi u booqanayaan qofka qabo cudurka Covid-19 halka ay si caadi ah u duugaan qofkii u dhinto oo uusan jirin taxadar ay muujinayaan.

Duqa magaalada Gaalkacyo ayaa sidoo kale xusay in iyaga oo kaashanayo wasaaradda Caafimaadka ay wadaan dadaal lagu wacyi gelinaayo bulshada ku dhaqan Magaalada Gaalkacyo.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe