Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ay si gaar ah u qiimayn doonto saamaynta taban ee ka dhallan karta go’aanka Dowladda Maraykanka ay ka joojisay kaalmadii Dhinaca Saadka ee howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM ay siinaysay.
Afhayeenka Qaramada Midoobay, Stéphane Dujarric ayaa sheegay in ay waqti haystaan maadaama muddada Maraykanka uu joojinayo kaalmada ay ku siman tahay billowga sannadka soo socda 2027 kahorna ay ka fikirayaan wax weliba oo macquul ah.
Dujarric ayaa sheegay in ay habboon tahay sii socoshada taageerrada Maraykanka ee Howlgalka AUSSOM balse haddii ay arrintaas dhici wayso la eegayo dhinacyo kale oo lagu sii soconsiin doonno howlgalkaan oo muddo 19 sano ka socda Soomaaliya.
“Qaramada Midoobay waxa ay qiimayn ku samaynaysaa saamaynta taban ee ka dhallan karta go’aanka Maraykanka uu ku joojiyay taageerrada Saadka ee Howlgalka AUSSOM” Sidaasi waxaa yiri Afhayeenka Qaramada Midoobay, Stéphane Dujarric
Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa soo billowday sannadkii 2007dii iyada oo ciidankii ugu horreeyay ay ahaayeen kuwa Uganda, sanadihii u dambeeyay waxaa la dhimayay Ciidamada Militariga si ay fursad u helaan ciidanka Soomaaliyeed.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xoogga saartay dhismaha ciidamada Xoogga kuwaas oo sanadihii u dambeeyay howlgallo ka dhan ah ‘AS’ fuliyay iyada oo aanay la socon Askarta Midowga Afrika, tallaabadaasi waxa ay u fududeysay in Dowladaha qaar ay garab istaagaan.

