Home Warar Faafaahin: Weerar sababay dhimasho & dhaawac oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe

Faafaahin: Weerar sababay dhimasho & dhaawac oo ka dhacay Shabeellaha Dhexe

145

Wararka naga soo gaaraya degmada Balcad ee gobalka Shabeelada dhexe ayaa sheegaya in weerar jidgal ah lagu qaaday Gaadiid ay wateen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya, xilli ay marayeen duleedka degmadaas.

Gaadiidkaas oo ay wateen Ciidamo ka tirsan Millateriga Soomaaliya ayaa xilli ay marayeen inta u dhaxeysa degmada Balcad &  Tuulada Gololeey waxaa la sheegay in marka hore loo dhigay qarax miino, kadibna  weerar jidgal ah ay ku qaadeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab, waxana halkaasi ka dhacay dagaal sababay khasaaro kala duwan.

Dad ku sugan Balcad ayaa waxaa ay sheegeen gaadiidka Ciidamada oo ka yimid dhinaca magaalada Muqdisho xilliga la weerarayay  uu marayeen wado jid cado ah, maadaama todobadyadii la soo dhaafay ay Biyo xireen laamiga oo gaadiidka ay ka wareegsanayeen.

Al-Shabaab oo sheegtay mas’uuliyadda  weerarkas ayaa waxaa ay sheegeen inay dileen 5 askari oo ka tirsanaa Ciidamada la weeraray, sidoo kalena ay gubeen mid kamid ah gaadiidka dagaalka wallow aysan jirin warar madax banaan oo xaqiijinaya.

Wararka la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in gaariga ay Al-Shabaab gubeen uu ahaa Gaari Cabdi Bille gurmad ahaa n ugu tegay Ciidamada weerarka lagu qaaday xilli uu dagaal socday.

Saraakiisha Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Maamulka degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhee weli ka  hadlin weerarkaas, waxaana xusid mudan in dhowr jeer weeraro kala duwan inay ka dhaceen wadada xiriirisa degmooyinka Jowhar & Balcad.